Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, ka socda ololaha Doorashada Madaxweynaha taa oo ay loolan ugu jiraan inkabadan 29 Musharax oo dooneysa inay hogaamiso dalka.
Musharaxiintaani ayaa waxaa raja beel ku riday Xildhibaanada Baarlamaanka kuwaa oo xiliga la joogo caado ka dhigtay xaalufinta dhaqaalaha yar ee u harsan Musharaxiinta.
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa tan iyo markii laga soo doortay deegaanadooda ku haminaayay Laba arrin oo kala ah:
1-Musharaxiinta oo lagu xujeeyay dhaqaale aysan bixinkarin.
2-Ka ganacsiga Codka oo noqday mid aan habayaraatee la aaminikarin ballanqaadka ay Xildhibaanada ku bixinayaan codka.
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa la sheegay in iminka ay qiima tireen Doorashada, kadib markii Musharaxiinta oo isugu jira kuwo dhaqan iyo kuwa liita ay ku xujeeyeen dhaqaale aysan ka bixikarin si loo siiyo codadka.
Qiima tirka ugu weyn Doorashada dalka, ayaa waxaa la tilmaamay inay tahay in Xildhibaanada iibsada Codkooda aysan hadana Codka siin Musharaxa, waxa ayna taa kalsooni darro xun ka dhex abuurtay Musharaxiinta iyo Xildhibaanada.
Musharaxiinta Madaxweynima doonka ah ayaa ku jahwareersan Heshiisyada ay la galayaan Xildhibaanada waxa ayna dhamaan ka siman yihiin in bixinta lacagta ay ku iibsanayaan ay ka dhigi doonaan itusoo i taabsii.
Si kastaba ha ahaatee, Xildhibaanada Baarlamaanka ee laga filaayay ka shaqeynta danaha dalka, dadka iyo diinta ayaa u muuqda in waxqabadkooda ay tahay mid lacag lagu badelanaayo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

