26.3 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Maxaa kusoo kordhay kiiska Kufsigii ka dhacay magaalada Goldogob

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraaf ah ayaa kasoo baxay kiiska kufsigii laab lakaca ku riday Soomaalida ee ka dhacay degmada Goldogob ee gobolka Mudug.

Wararka aan ka heleyno degmadaasi ayaa sheegaya in odayaasha dhaqanka ee degmada ay is hor istaag ku sameeyeen in wiilashii falka geystay maxkamadeyntooda loo wareejiyaa maxkamada gobolka Mudug.

Odayaasha ayaa sheegay in maxkamadeynta wiilashada dhalinyarada ay ka dhaceyso magaalada falka ay ka geysteen balse aan loo qaadi doonin maxkamada gobolka Mudug.

Masuuliyiin ka tirsan waaxda Garsoorka ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka ay wali ku dhagan yihiin kiiska wiilashada dhalinyarada ah.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dhalinyarada marka hore lagu xiray xabsi ku yaala magaalada Gaalkacyo balse dib loogu celiyay degmada Goldogob.

Waa kiis dad badan oo Soomaaliyeed ay aad ugu hadal hayeen baraha bulshada todobaadkii lasoo dhaafay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News