Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in maalin ka hor ciidamada Jubbaland ay qabteen markab ganacsato u rarnaa.
Markabkaasi oo ganacsade u rarnaa ayaa waxa alagu arkay hub badan oo lagu soo hoos qariyay bagaashka la doonayay in la keenaa magaalada Kismaayo.
Saraakiil ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa sheegay inay ogaadeen in markabka lagu soo hoos qariyay hub la doonayay in magaalada la geliyaa.
Markabka ayaa ka diiwaan gashan magaalada Pretoria ee dalka Koofur Africa, waxaana la sheegay inuu u rarnaa ganacsade magaciisa lagu sheegay Cabdi Jamaal.
“Rarka markabka oo raashiin bariis, bur, sonkor iyo saliid isugu jira ayaana lagu soo qariyay hubkan. Isniintii shalay oo raashiinka la rabay in laga soo dejiyo markabka, ayaa waxaa hubka arkay shaqaalihii raashiinka ka soo dejinaayay, waxayna ku soo wargeliyeen Maareeyaha Dekeda Kismaayo.”
“Madaxda Jubbaland shir deg deg ah ayay ka yeesheen hubkaasi, waxayna amar ku bixiyeen in la soo xir xiro shaqaalihii markabka la socday iyo shaqaalihii kale ee rarka ka dejinaayay, si aysan u bixinta xogta hubka saaran markabka.”sidaasi waxaa yiri saraakiil u hadashay maamulka Jubbaland.
Lama oga sida Jubbaland ka yeeli doonto markabka iyo hubka saaran.
Caasimada Online
Xafiiska Jubbaland
Caasimada@live.com