Muqisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee dalka Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa ka hadlay howlaha horyaal Aqalka Sare ee dalka, waxa uuna sheegay in Aqalka Sare uu howl ahaan ka duwanaan doono howlaha kale oo ay heyso Dowlada.
Cabdi Xaashi, waxa uu sheegay in Aqalka Sare uu yahay howl ku cusub Dowlada iyo Siyaasaduba, sidaa darteedna loo baahan yahay in la dajiyo Sharciyada uu ku howlgali lahaa Aqalka Sare.
Guddoomiye Cabdi Xaashi, ayaa tilmaamay in isaga iyo ku-xigeenadiisa ay u baahanyihiin in lasiiyo wakhti ku filan, waxa uuna sabab ka dhigay in Howsha loo igmaday ay lamid tahay mid hadda iyo bilow u baahan in la aasaaso.
Cabdi Xaashi, ayaa sheegay in isaga iyo ku-xigeennadiisa ay kala ilaalin doonaan in ay is khilaafaan Labada Aqal ee Golaha shacabka iyo Aqalka Sare.
”Waxaan xooga saari doonaa inaan ilaalino sharciga, waxa uuna qorshaheenu yahay inaan kala ilaalino khaladaad soo kala dhexgala labada Aqal ee dalka”
”Ma dhici doonto in shacabka ay ku sheekeystaan ama ay dhagahooda kusoo dhacaan Khilaaf ka dhextaagan Labada Aqal ee dalka, waxaan horseed u noqon doonaa sharciyada dalka iyo Nidaamka Federaaliisimka”
Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in iyaga ay ka shaqeeyaan xeerarka Aqalka Sare kuwaas oo aan ka hor imaaneyn dastuurka dalka Somaliya.
Waxa uu sidoo kale sheegay in isaga iyo Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sh.Cismaan Jawaari,ay si wanaagsan u wada shaqeyn doonaan.
Geesta kale, Shacab farabadan ayaa walaac ka muujinaya xeer rasmi ah oo aan jirin kaas oo kala qeexaya awoodaha iyo shaqooyinka labada aqal.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com