29.9 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

“Waxaan ku jiraa xabsi, waxaana u xiranahay CC ha lala socdo”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Mid kamid ah salaadiinta Soomaaliyeed ayaa sheegay in lagu xiray xabsi ku yaalla magaalada Muqdisho, isaga oo warbaahinta Muqdisho u sheegay in xarigiisa uu ka dambeeyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Suldaanka oo lagu magacaabo Suldaan C/casiis Afgaduud, ayaa sheegay in lagu xiray saldhig ku yaalla degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir, halkaasi oo uu kasoo hadlay.

Wuxuu suldaanka sheegay in sababta loo xiray ay tahay inuu taageeray mid kamid ah musharixiinta sanadkaan u taagan xilka madaxweynaha dalka, uuna kasoo horjeestay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid.

“Waxaan ku jiraa xabsi, waxaana u xiranahay oo aan xabsi ugu jiraa Cumar Cabdirashiid, sidaas ha la ogaado” ayuu yiri.

Maamulka degmada Xamar-jajab oo aan la Xariirnay  si aan wax uga weydiino Xariga Suldaan Afgaduud ayaa ka gaabsaday inay arrintan jawaab ka bixiyaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News