Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka heer Madaxweyne, ayaa maalmihii tagay shaaca ka qaaday in kala bar dhaqaalaha kasoo baxa diiwaangalinta Musharaxiinta lagu bixin doono Abaaraha sii baahaya ee ka taagan Gobolada dalka.
Musharaxiinta lasoo bandhigay ee ilaa iyo hadda is diiwaangalisay ayaa cadadkooda lagu sheegay 24 Musharax kuwaa oo lacagta laga qaaday markii leysku daray la sheegay inay dhantahay $ 720 kun.
Qarashka intaa dhan ayaa waxaa la sheegay in 50% lagu bixin doono Abaaraha ka jira dalka, inkastoo ilaa iyo hadda aan waxba lagu bixin Abaaraha sii baahaya.
Guddoomiyaha Guddiga Qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa sheegay in lacagtaasi si degdeg ah loogu gurmad doono dadka ay aafeesay Abaaraha, waxaana muuqaneysa in ilaa iyo hadda aan la bixin dhaqaalahaasi maadaama qoondada Abaaraha ay tahay mid go’an oo aan laheyn ku laabasho.
Musharaxiinta qaar ee laga qaaday dhaqaalaha is diiwaangalinta ayaa Guddoomiyaha Guddiga Qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha, ku cadaadinaaya in doorashada ka hor si dhaqsi ah lagu bixiyo dhaqaalaha kasoo xarooday diiwaangalinta ee qeyb kamid ah loo qoondeeyay dadka ay saameeysay Abaaraha, maadaama dhaqaalahooda horay loo qoondeeyay.
Dhinaca kale, Dadka Soomaaliyeed ayaa aad uga walaacsan in dhaqaalaha loo qoondeeyay Abaaraha ay si nadiif ah ku gaari doonto dadka loogu tallo galay iyo inkale.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

