27 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Camey oo shaaciyey cidda ka mas’uul haamaha sunta badda Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland C/Xakiin Cabdullaah Cumar ”Camey”, ayaa si adag uga hadlay Maraakiibta sida sharci darada ah uga kaluumeysaneysa Xeebaha Somalia.

Camey ayaa sheegay in nasiib darro ay tahay in Dowlada Somalia ay indhaha ka qabsato sharci darada ka dhextaagan Biyaha Somalia.

Camey, waxa uu sheegay in dhammaan Maraakiibta ku sugan Xeebaha Somalia ujeedkooda uusan aheyn difaaca Badda Somalia, balse Ujeedka uu yahay in la xaalufiyo Kheyraadka Badda Somalia ku jira.

Wuxuu sheegay in dhammaan Maraakiibta ku sugan Xeebaha Somalia ay ka gudbeen shuruudaha ay ku imaaden Xeebaha waxa uuna farta ku goday in howlgalkooda ay u weeciyeen Kaluumeysi iyo in Kheyraadka dalka la xaalufiyo.

Camey, waxaa uu dowladda Federaalka Somaliya ugu baaqay in ay wax ka qabato maraakiibta shisheeye ee jooga biyaha Somaliya, waxa uuna ka digay inay iska indhatirto xadgudubka ay wadaan Maraakiibta.

Sidoo kale, Mr Camey waxa uu intaas ku daray in Maraakiibta ay hadda guranayaan kheyraadka dalka sidoo kalena ay Haamo sumeysan ku daadinayaan xeebaha Somaliya taas oo dhibaato ku ah dadka iyo deegaanka.

”Dowlada Somalia waa inay dib u eegis ku sameyso shaqada Maraakiibta Shisheeye, haddii ay dhacdo in laga aamuso waxaa mas’uuliyadaasi qaadi doona Dowlada Somalia”

”Waa damiir xumo in la fiirsado Maraakiib xeebaha ka guranaaya Kheyraad hadana biyaha ku daadinaaya Haamo ay ka buuxaan sun. arrintaani waxaa wax laga weydiin doonaa Dowlada Somalia oo si cad u dayacday la socodka Xeebaha Somalia”

Dhinaca kale, Camey ayaa Dowlada Somalia ku amaanay in waxbadan ay ka qabatay Xeebaha Somalia, hayeeshee waxa uu sheegay inaysan wali muujin awoodii laga filaayay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News