26.7 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Ethiopian aad u fara badan oo buux dhaafiyay deegaanada Puntland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in deegaanada maamulka ay buux dhaafiyeen Ethiopian-kii ugu badnaa abid oo kusii jeeda dalalka Yemen iyo Sacuudiga.

Maamulka Puntland ayaa sheegay in Ethiopian-kaasi ay deegaanka kusoo qulqulayeen saacadihii ugu danbeeyay.

Cabdixakiin Cabdulaahi (Camey) oo ah Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland, ayaa sheegay in Ethiopian-kaasi ay doonayaan inay ka talaaban Xeebaha Puntland, iyagoo usii baxaaya dhanka Yemen iyo Sacuudiga.

Camey, waxa uu sheegay in Ethiopian-kaasi ay dhibaato badan ku hayaan deegaanka, waxa uuna tilmaamay in deegaanada maamulka ay kusoo galaan sharci darro.

Camey, waxa uu intaa raaciyay in Puntland aysan awoodin in dadkaasi ay daryeel u fidiso, waxa uuna xusay in kuwa Safarka ah ay ka badan yihiin kuwa doonaaya in deegaan ay ku noqdaan Puntland.

Si kastaba ha ahaatee, talaabadaani ayaa imaaneysa xili dhawaan Dowlada Ethiopia ay ka hor imaaday in Puntland ay hor istaagto Ethiopianka Tahriibka.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News