28.9 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Qaar ka mid ah musharixiinta madaxweyne oo naftooda u baqaya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inay dareemayaan halis dhanka amaanka ah.

Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxtinimada Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegeen in Ammaankooda uu Halis ku jiro ,islamarkaana ay heleen Xogo ku aadan in Musharaxiinta la u gaarsan rabo.

Maxamed Maxamuud Culusow oo kamid ah Musharaxiinta Xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Warbaahinta u sheegay in ay muhiim tahay in la adkeeyo ammaanka xarunta ay ka dhaceyso doorashada ,islamarkaana Musharaxiinta la la socdo Ammaankooda.

Sidoo kale Musharaxiinta ayaa waxaa ay sheegeen in Hay’adda Amniga ay soo gaarsiiyeen in ay kusoo wajahan yihiin Weeraro.

Musharaxiinta Xilka Madaxtinimada Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegeen in ay Cabsi weyn ay qabaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News