25.8 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Kulan xasaasi ah oo ka socda saafaaradda Imaaraadka iyo madaxda maamul goboledyada oo ku sugan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – War deg deg ah oo iminka nasoo gaaraya ayaa sheegaya in kulan xasaasi ah oo ka socda xarunta safaaradda Imaaraadka Carabta ee magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaasi oo ku saabsan doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee berri dhaceysa.

Kulanka ayaa waxaa ku sugan dhammaan madaxda mamaul goboleedyada Soomaaliya, marka laga reebo madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, oo isna khadka teleefonka uga qeyb galaya, waxaana mart-gelinaya safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxda maamul goboleedyada lagala hadlayo dadaal saacadihii ugu dambeeyey ah oo lagu taageerayo madaxweyne Xasan Sheekh.

Imaaraadka oo markii hore taageersanaa Cumar Cabdirashiid, marna wada-hadal la galay Shariifka, ayaa lagu warramay inay iminka usoo wareegeen Xasan Sheekh, kadib wada-hadal iyo si-afgarad dhex maray iyaga iyo dowladda Ethiopia.

Kulanka ayaa waxaa lagu warramayaa in lagu bixinayo lacag malaayin dollar ah, oo qaar la siinayo madaxda, halka qaar kalena loogu dhiibayo xildhibaanada laga soo doorto deegaanadooda.

Dadaalkan, ayaan la ogeyn saameynta xooggan ee uu yeelan karo, maadama xilli dmabe uu yimid.

Dhinaca kale, Cabdikariim Guuleed, Shariif Xasan, Cali Cabdullahi Cosoble iyo Axmed Madoobe ayaa horey u taageersanaa Xasan Sheekh, kadib markii ay sidaas kala hadashay dowladda Ethiopia.

Si kastaba Cabdi Weli Gaas, ayaa weli ka caga jiidaya taageerada Xasan Sheekh, isaga oo dadaalladiisa isugu geynaya inuu xaqiijiyo in Puntland ay hesho madaxweyne ama ra’iisul wasaare, sidaas darteedna uu taageerayo musharax kasta oo arrintaas uu ka heli karo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News