27.2 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Duqeymo xoogan oo caawa ka socda magaalada Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho Caawa laga maqlayaa gurxanka Hoobiyayaal ku dhacaaya qeybo kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Hoobiyayaasha qaar ayaa la sheegay inay kusoo dhaceen Isgooyska Debka ee magaalada Muqdisho, xili ay halkaasi dhoobnaayen Gaadiid ay la socdeen ciidamo ka tirsan Dowlada.

Hoobiyayaasha ayaa la sheegay in bartilmaameedkooda ay ahaayen Degmada Waaber iyo Xamar Jajab, inkastoo aan la xaqiijin karin inay gaaren iyo inkale.

Hoobiyayaal ayaa sidoo kale la sheegayaa inay ku dhaceen Degmooyin dhowr ah oo ku yaalla Gobolka Banaadir, waxaana la maqlayaa gaadiidka Ambalasta ee gurmadka ah.

Waddooyinka iyo Xaafadaha Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ku sugan Ciidamo aad u farabadan kuwaa oo waddooyinka u jaray Doorashada darteed.

Duqeymahaani ayaa imaanaya xili maanta la xoojiyey amaanka magaalada Muqdisho oo la filayo iney maalinta beri ka dhacdo doorashada madaxweynaha Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News