Muqdisho (Caasimada Online) – Saacado ayaa ka dhiman doorashada madaxweynaha Somalia, waxaana socda xod xodosho waalan oo lagu sameynaayo mudanayaasha Baarlamaanka Somalia taas oo jiri doonta ilaa caawa saacadaha dambe.
Beesha Mareexaan oo ka mid ah beelaha ugu xildhibaanada badan Baarlamaanka Somalia ayaa dad badan markii hore ku jahwareereen cida ay xildhibaanadoodu raacsan yihiin, laakiin Caasimada Online ayaa heshay xog cadeyneysa arintaas.
17 xildhibaan ayey ku lee yihiin Baarlamaanka Somalia ee labada Aqal, waxaa sidoo kale xusid mudan in Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad doorashada uu isna kasoo jeedo beeshaas inkastoo uuusan xildhibaan aheyn.
13 ka mid ah xildhibaanada Beesha Mareexaan waxaa ay caawa joogaan hotel-ka Jaziira oo ah goobta ay ka socdaan ololaha Farmaajo, waxaana hogaaminaya xildhibaan C/waaxid Cilmi Goonjeex, waxaana ay isku raaceen iney codkooda siiyaan Farmaajo.
Xildhibaan Fartaag iyo xilhibaan Alankeey waxaa ay noqdeen kuwa taabacsan madaxweyne Xasan Shiikh, halka xildhibaanad Sagal Isaaq Biixi ay ka mid tahay xildhibaanada daacada u ah ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid.
Xildhibaan Cabdi Cali oo isna ka mid ah xildhibaanada Beesha Mareexaan ayaa la jooga Cadow Cali Gees, shaxdaan waxaa laga baranaya in Farmaajo uu markaan heysto rabitaanka reerkiisa.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]