Madaxweynaha Hirshabeelle, Taliyaha AMISOM iyo Guddomiyaha Hiiraan oo gaaray Buulo-Burte

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle iyo Taliyaha ciidamada AMISOM ee Jabbuuti ayaa goor dhow gaaray degmada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan , oo shalay lagu dilay Askari u dhashay dalka Jabbuuti .

Wafdiga waxaa hogaaminaya Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble, waxaana ku wehliya taliyaha ciidamada AMISOM ee Jabuuti, iyadoo ay halkaasi kusoo dhoweeyeen madaxda maamulka iyo saraakiisha ciidamada. Guddoomiyaha Hiiraan ayaa ka horeeyy wafdiga oo tegay Buuloburte.

Wafdiga madaxweynaha waxaa kasii horeeyay oo saaka gaaray Buulo Burday saraakiil ciidan oo ka tirsan kuwa dowlada Soomaaliya iyo Gudoomiyaha gobolka Hiiran Cali Jeyte, waxaan ujeedka socdaaladaan lagu sheegay inay yihiin kuwo looga arinsanayo dilkii shalay degmada logu geystay Askari AMISOM ah .

Kulamo Albaabada loo xiray ayaa la sheegayaa inuu haatan u socdo saraakiisha ciiamada Jabbuuti kuwa dowlada Soomaaliya , Gudoomiyaha gobolka Hiiraan iyo waliba Madaxweynaha Hirshabeelle .

Ciidamada Jabbuuti ayaa ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan , waxaana askari kooda ah shalay lagu dilay Buulo burday kadib markii sida la sheegay askari kale oo ka tirsan ciidanka dowlada Soomaaliya uu muran dhex maray kaas oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Kala shaki iyo xaalad kacsan ayaa magaalada laga dareemay kadib markii la sheegay in askriga Jabuutiyaanka uu dilay askari kale oo ka tirsan ciidamada dowladda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com