Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle, ayaa maanta gaaray dekadda Muqdisho.
Beyle ayaa waxaa ku wehlinaayay booqashada Wasiir ku-xigeenka wasaaradda iyo qaar kamid ah howlwadeenada wasaarada.
Wasiir Beyle iyo mas’uuliyiinta kale ayaa u kuurgalayay sida ay u socoto shaqada dekadda gaar ahaan howlaha canshuuraha.
Waxa uu Wasiirka si gaar ah ula kulmay shaqaalaha dekadda oo uu ku dhiiro geliyey iney si hufan u ilaaliyaan ammaanada, sidoo kalena ay la yimaadaan shaqooyin dardar ah.
Wasiirka ayaa xog wareystay howlwadeenada wasaarada waxa ayna u gudbiyeen cabsho dhanka mushaarka ah.
Waxa ay howlwadeenada u sheegen wasiirka inaanu jirin mushaar toos ah oo ay helaan, xili shaqooyinkooda ay tahay mid joogto u badan.
Wasiir Bayle ayaa sheegay in dowladda ay xuquuqda Shaqaalaha ay joogteyn doonto, si gaarana loo qiimeyn doono dadka waqtiga dheeriga shaqeeya.
Beyle waxa uu howlwadeenada ku dhiiro galiyay in ay ku dulqaataan duruufaha dalka ka jira iyo Dakhliga dowlada oo yar.
Waxa uu sidoo kale howlwadeenada ku wargaliyay in loo sameynaayo xafiisyo waasac ah si ay u xoojiyaan howlaha ay u hayaan Qaranka.
Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda ayaa kulan looga hadlayo kor u qaadida tayada shaqo ee Wasaaradda layeeshay agaasimayaasha Waaxyaha wasaarada.
Waxa uu kala hadlay sidii sare loogu qaadi lahaa dakhli kordhinta, iyo in dib u eegis lagu sameeyo canshuur dhaafka loo sameeyo Hay’adaha ka howlgala dalka.
Waxa uu sidoo kale wasiirku ku booriyey inay laba jibaaraan islamarkaana la sameeyo qayb shaqaalaha ka mid ah oo dekedda ka howl gala habeenkii xiliyadda ay jiraan shaqooyinka dajinta badeecooyinku.