Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheerad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan khaas ah oo magaalada Muqdisho ku dhexmaray Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre iyo xubno kasoo jeeda Beesha Habar-Gidir.
Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa Hogaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Geele Ducaale Xaaf, Xildhibaano, Siyaasiyiin, Nabadoono iyo Odayaal dhaqmeed.
Kulanka ayaa isugu jiray taageerid iyo tabashooyin, waxa ayna Beeshu Ra’isul wasaaraha Xukuumada u sheegtay in wali ay jiraan tabashooyin dhankooda ah.
Beeshu waxa ay Kheyre u sheegtay in lagu tiigsaday marka la eego dhanka xilalka iyo awood qeybsiga waxa ayna ka dalbadeen in DFS ay ila gaara ku fiiriso tabashooyinkooda.
Xubnaha Beeshu waxa ay sheegen in caqabadaha heysta ay kamid yihiin inaan loo ogoleyn inay la kulmaan shaqsi ahaantiisa waxa ayna cadeeyen in la kulankiisa ay sababto isku dhac iyaga iyo ilaaladiisa.
Waxa ay sheegen in la kulankiisa ay ka horeeyan in laga gudbo jidadka Isbaarooyinku yaalan, in aysan awood u lahayn in ay Ra’isul wasaaraha la kulmi karaan, ama geli karaan madaxtooyada, gelitaanka Wasaaradaha oo lagu xujeeyo kaarka aqoonsiga, iyo weliba baaritaanada ka socda Muqdisho.
Waxa ay Kheyre ka dalbadeen in uu qaado Isbaarooyinka oo ay ugu horeyso tan taala jidka Taleex.
Kheyre ayaa wacad ku marey in jidadka la furaayo, waxaana uu shardi ka dhigey in nabad la helo, taasna la doonaayo in shacabka kala shaqeeyaan.
Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu sheegay in shaqsi ahaantiisa uu mas’uul u yahay Umadda Soomaaliyeed isla markaana aanu jirin cid is hortaagi karta la kulankiisa.
Kheyre waxa uu tilmaamay inuu qaadi doono talaabo cad oo uu wax uga qabanaayo cabashooyinkooda waxa uuna sheegay inuu la socdo inay jiraan duruufyo kala duwan oo dhibkeeda leh.
Waxa uu kulanka kusoo beegmayaa xili maalmihii danbe ay jirtey guux ka imaanayey xubno kamid ah beesha kulankan soo qaban qaabisey.