Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camay, oo goordhow la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay isku soo dhiibeen maleeshiyaad ka tirsan Daacishta Somalia ee gobolka Bari.
Hogaamiye ku-xigeenka ayaa sheegay in iminka ay isa soo dhiibeen maleeshiyaadkii ugu badnaa, waxa uuna tilmaamay inay geeyen xarumo ay ku nastaan.
Cameey waxa uu sheegay in maleeshiyaadka isa soo dhiibay ay gaarayaan 20 kuwaa oo ay ku jiraan Horjoogayaal sida uu hadalka u dhigay.
Wuxuu sheegay in dhalinyaradaasi ay go’aansadeen in ay ka baxeen Kooxda ,islamarkaana markii ay kasoo tageen ay soo daba galeen ayna ka dileen 5 ka mid ah.
Cameey waxa uu carab dhabay in maleeshiyaadkani aysan soo qaban, balse ay iskooda uga soo goosteen Daacishta Gobolka Bari, sida uu hadalka u dhigay.
Geesta kale, Cameey ayaa qiray inay aad u adkaan doonto in laga guuleysto Daacishta Gobolka Bari ee ku sugan deegaanada maamulka.
Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com