Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa soo gabagabeeyay Safar qaatay laba maalin oo uu ku joogay dalka Jabuuti.
Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa magaalada Jabuuti kulan la qaatay dhigiisa dalkaasi Ismaaciil Cumar Geele oo ay kawada hadleen arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka labada dal, Amniga iyo Siyaasada.
Inta kadib Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigiisa ayaa galabta u ambabaxay dalka Qadar, kadib casuumaad rasmi ah oo ay ka heleen Boqorka dalkaas Sheekh Tamiim bin Hamad Al Thani.
Safarka Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu la xiriiro xoojinta xiriirka labada dal iyo in dowlada Qadar ay garab istaagto dowlada Somalia oo iminka kasoo kabaneyso burburka iyo xasil darida amni.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale la sheegay in dalka Qadar uu ku nagaan doono muddo laba cisho ah, waxa uuna mudada uu dalkaasi joogo kulamo la qaadan doonaa Madaxda dalkaasi, Jaaliyadda iyo Ganacsatada dalka Qadar oo uu ku dhiiragalin doono inay maalgishtaan Somalia.
Madaxweyne Farmaajo ayaa bishan gudaheed galay safaro dhowr ah, sida Itoobiya, UK, Sacuudiga, Jabuuti iyo Qadar oo uu hada booqanayo, waxaana uu dalalka qaar kaga qeyb galay shirar muhiim ah.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Somalia ayaa horay u difaacay Safarada dhowrka ah ee uu ku gaaray dalal dhowr ah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

