Hargeysa (Caasimada Online)-War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in Xabsiga laga sii daayay Weriye C/maalik Muuse Coldoon oo Mudooyinkaan ku xirnaa Xabsi ku yaalla Magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland.
Wararku waxa ay sheegayaan in Hogaamiyaha maamulka Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” uu Cafis u fidiyay Wariye Samafale C/maalik Muuse Coldoon oo dhowr jeer la dalbaday sii deyntiisa.
Weriye C/maalik ayaa waxaa lagu sii daayay qoraal kooban oo kasoo baxay Xafiiska Hogaamiyaha maamulka Axmed Siilaanyo.
Hogaamiyaha ayaa qoraalkiisa ku sheegay in Cafiska uu yahay mid ku imaaday dalab dhanka qoyska C/maalik.
Wariye C/Maalik Muuse Coldoon oo Magaalada Hargeysa lagu Xiray 15-kii Bishii Febarayo ee sanadkaan ayaa labo sano oo Xarig ah lagu Xukumay 8-dii Bishii April ee aan soo dhaafnay.
Sidoo kale, deysmada Weriyaha ayaa waxaa kaalin ka qaatay Odayaasha dhaqanka Magaalada Hargeysa.