Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamada amaanka magaalada Boosaaso ee maamulka Puntland ayaa gacanta ku dhigay gaari ay saarnaayen Qaraxyo iyo agab Militery.
Gaariga ay gacanta ku dhigeen ciidamada ayaa noociisa la sheegay inuu yahay nooca ay Soomaalidu u taqaan Candho-maydle.
Gaarigaani ayaa waxaa la socday laba ruux oo dhalinyaro ah kuwaa oo dusha sare ka ilaalinaayay Qarxyada saarnaa Gaariga, waxaana gacanta ku dhigay ciidamada amaanka.
Qaraxyada lagu qabtay Gaariga ayaa waxaa la socday Fooneeyayaasha ciidamada, Dharka ciidanka iyo agab kale oo loo adeegsado Qarxyada.