Muqdsho (Caasimada Online) – Dowlada Sacuudiga ayaa culeys ba’an ku heysa dowlada Somalia oo dhawaan ku dhawaaqday inaysan qeyb ka aheyn xiisada ka dhex aloosan Qadar iyo Sacuudiga.
Dowlada Somalia ayaa ka cudur daaratay inay lug ku yeelato xiisada labada dal, iyadoo sabab ka dhigtay inay dhex maquureyso xaalado aysan uga maarmi karin dowladaha uu muranka ka dhex jiro.
Dowlada Somalia waxa ay si bareera u diiday ka jawaabida dalabyo dhowr ah oo kaga imaaday Sacuudiga kuwaa oo ku xeeran jarida xiriirka kala dhexeya Qadar.
Wixii intaa ka danbeeyay dowlada Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday inay jartay deeqihii ay siin jirtay Somalia, kadib markii ay kamid noqon weyday xulafadeeda kasoo horjeeda dowlada qaniga ah ee Qadar.
Sacuudiga waxa ay sidoo kale ku goodisay inay hakin doonto bixinta dal ku galka Soomaalida dooneysa inay gutaan waajibaadkooda Xajka iyo cumrada.
Dowlada Qadar oo ka duuleysa go’aanka uu Sacuudiga ku jaray deeqaha, ayaa sheegtay in Somalia ay la garabtaagan tahay dhammaan waxyaabaha aasaasiga oo ay ka heli jireen Sacuudiga.
Qadar waxa ay ballanqaaday xitaa inay bixin doonto dhaqaalaha ay Somalia ka heli jirtay Sacuudiga, isla markaana uusan banaanaan doonin booska Sacuudiga.
Amiirka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani iyo Wasiirkiisa Arrimaha Dibada Maxamed Cabdulraxman Al Thani, ayaa si wada jira u ballanqaaday inay garab libaax siin doonaan Somalia oo iska diiday inay qeyb ka noqoto Xulafada Sacuudiga.
Sidoo kale, waxa ay sheegen inay buuxin doonaan booska ay faarujisay dowlada Sacuudiga iyadoo laga dhabeynaayo mowqifka uu Qadar ka qaatay Sacuudiga.
Dowlada Somalia ayaa looga fadhiyaa inay ka faa’iideysato is garabtaaga Qadar, waxaana la hadal hayaa in Qadar ay bixin doonto dhaqaale dheeri ah oo loogu yaboohi doono Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]