Muqdisho (Caasimada Online) – Hanti dhowrihii Guud ee xilka laga qaaday Dr Nuur Faarax Jimcaale, ayaa aad u dhaliilay xukunka dilka ah ee lagu riday Askarigiisii ka danbeeyay dilka Wasiir Cabaas Siraaji.
Hanti dhowraha ayaa laga soo xigtay inuu sheegay in xukunka Askariga loo maray hanaan ay ku jirto degdegsinimo, waxa uuna sheegay inay muhiim tahay in marka hore la dhageysto dhinaca qoyska Marxuumka.
Waxa uu sheegay in qoyska Marxuumka ay awood buuxda u leeyihiin inay go’aan ka qaatan xukunka Askariga dilay wiilkooda, balse ay muuqaneyso inay jiraan talaabooyin lagu dadajinaayo xukunka.
Dr Nuur Faarax Jimcaale, ayaa sheegay in qoyska Marxuumka ay cafinkaraan fulinta xukunka la sugaayo, balse waxa uu ku taliyay in fursad kama danbeyn ah lasiiyo qoyska Askariga dilka qirtay.
Dilka Wasiir Marxuum Cabaas Siraaji ayaa waxaa qirtay Dable Ciidanka Xooga Dalka Axmed Cabdullahi Ceydiid, oo sheegay in hal xabad uu ku dhuftay Wasiirka.
Sidoo kale, Askariga gacan ku dhiiglaha ah ayaa ku dooday inaanu gaarigaasi ka filaneynin Wasiirka, balse uu filaayay inuu ahaa gaari shacab.
Dhinaca kale, xukunka Askariga ayaa waxaa soo dhaweeyay Ehelada Marxuum Cabaas Siraaji, oo iyagu sheegay inay ku qanacsan yihiin qaabka uu xukunka u dhacay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

