28.5 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xog: Farmaajo oo la filayo inuu ku dhaqaaqo tallaabo ka farxin doonta maxaabiista

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu dhawaan cafis u fidin doono Maxaabiista danbiyada yar ee ku jira Xabsiga dhexe ee Muqdisho.

Wararku waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha loo soo gudbiyay liiska Maxaabiista danbiyada fudud ee ku jira Xabsiga Dhexe ee Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa hadda ku guda jira la tashiga mas’uuliyiinta u qaabilsan dhanka la-talinta, si aanu ugu degdegin cadadka loo fidin doono cafiska.

Madaxweynaha ayaa ula gol leh Cafiska in Maxaabiista danbiyada yar ay dib ula midooban qoysaskooda, munaasabada ciid aawgeed.

Dadka uu cafiska u fidin doono Madaxweynaha ayaa tirro ahaan lagu khiyaasay 60 ilaa 100 Maxaabiis kuwaa oo hadda lasoo dhameeyay diiwaan galinta.

Maxaabiista ugu badan ee wajahaaya cafiska ayaa u xiran danbiyo yar oo ay kamid yihiin Caasi waalidnimo, Tuugnimo iyo danbiyo kale oo aad u yaryar.

Talaabadaani ayaa imaaneysa xili dhawaan Madaxweynaha uu sameeyay Guddi la soconaaya xaalada Xabsiyada, diiwaan galinta Maxaabiista iyo sababaha ay u xiran yihiin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News