27.2 C
Mogadishu
Thursday, November 20, 2025

Sawirro: Sacuudiga oo xasuuq ba’an u geystay Xuutiyiinta Yemen, 45 qof oo duqeyn uu ku dilay

Bookmark
Bookmarked

Share

Sanca (Caasimadda Online) – Ugu yaraan 45 qof ayaa lagu dilay weerarro cirka ah oo isbaheysiga Sacuudiga hoggaamiyo uu ku qaaday hoteel u dhow bar kontorool oo ciidamada Xuutiyiinta ku sugnaayeen oo ka baxsan caasimada Yeman ee Sanca.

Isbahaysiga uu hogaaminyo Sucuudiga ee fuliyay weerarkaan khasaaraha badan dhaliyay ayaa sheegay in ay weerareen bartilmaameed sharci ah oo ka dhacay bar kontorool ciidamada Xuutiyiinta ku sugnaayeen.

Weerarkaan oo dhacay Arbacadii ayaa gebi ahaanba waxaa burburay oo dhulka la simnay dhismaha hoteelka.

Telefishinka Al-Masira oo ay maamusho dhaqdhaqaaqa hubeysan ee Houthiyiinta ee ka talisa waqooyiga Yemen, ayaa sheegay in weerarkaasi ay ku shahiideen 46 qof oo ciidan iyo dad shacab isugu jira.

Afhayeen u hadlay Sucuudiga ayaa sheegay in weerarka qiimaha badan ee militariga uu ku dhacay degmada Arhab, waqooyiga Sanca.

Yehia Xuseen, oo ah shaqaale gargaar deg deg ah oo ka tirsan degaanka Xuutiyiina, ayaa sheegay in weerarrada Sacuudi-Carabiyaa ay bartilmaameedsadeen hoteelka, kuwaas oo ku jiray 100 qof.

Waa khasaarihii ugu badnaa ee mudooyinkaan ay geystaan diyaaraddaha cirka isbaheysiga Sacuudiga hoggaamiyo oo ay ku bartilmaameedsadan goobaha ay ka taliyaan Xuutiyiinta.

- Advertisement -

Read more

Local News