27.1 C
Mogadishu
Monday, April 20, 2026

Wasiirka amniga oo hal maalin ay uga harsan tahay mudadii uu qabsaday

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ka socda Shirar khaas ah oo u dhexeeya Wasiirka Wasaarada Amniga Gudaha Somalia Maxamed Abuukar Isloow Ducaale iyo Saraakiil ka tirsan Hay’adaha amaanka dowlada.

Shirarkani ayaa waxaa magaalada kawada Wasiir Ducaale oo shaki ka muujiyay hanaanka ay Saraakiisha ciidamada u xaqiijinayaan amniga magaalada Muqdisho.

Wasiir Ducaale ayaa Saraakiisha uu shirarka kula jiro ku wargaliyay inaanu u qalmin howsha ay u hayaan dowlada Federaalka ah ee Somalia, isagoo sabab ka dhigay inay xaqiijin la’ yihiin amniga goobo kamid ah magaalada Muqdisho.

Wasiir Ducaale waxa uu tilmaamay in weli uu ku taagan yahay ballankiisa ku aadanaa inuu xilkiisa ku weyn doono dilalkii ka dhacay Degmada Xamar weyne.

Wasiir Ducaale waxa uu shirarka socda ka sheegay inuu diyaariyay liiska Saraakiisha wajahi doonta xil ka qaadista ee ku shaqada leh amniga goobaha ay ka dhacaan dilalka iyo Qaraxyada.

”Ujeedka shirarka aan kawado magaalada Muqdisho waa mid aan ugu gogol xaarayo ballanqaadkii aan jeediyay 28ka bishaan ee ahaa in dilalka dhacay aan ku weyn doono xilkeyga isla markaana xilka ay ku weyn doonaan Saraakiil dhowr ah”

”Haddii aan gacanta lagu soo dhigin kuwa amni darada kawada magaalada waxaan u qaadanayaa inaanu jirin Saraakiil u carbisan sugida amniga”

Wasiir Maxamed Abuukar Islaaw, ayaa Saraakiisha u sheegay inay weli heystaan saacado kooban oo ka harsan maalinta Axada oo ay ku eg tahay ballanta, waxa uuna cadeeyay in liiska Saraakiisha xilkooda weyn doona lagu joojin karo keliya in gacanta lagu soo dhigo dadkii ka danbeeyay dilalkii ka dhacay Xamar weyne.

Geesta kale, Shirarka uu wado Wasiir Maxamed Abuukar Islaaw Ducaale, ayaa kusoo beegmaaya xili hal maalin ay ka harsan tahay wakhtiga uu Saraakiisha u qabtay inay kusoo qabtaan dadkii ka danbeeyay weerarkii ka dhacay Xamar weyne.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News