27.3 C
Mogadishu
Wednesday, November 19, 2025

Wasiir shaaciyey in DF ay mooshin u abuureyso madaxweynaha maamulka…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in dowladda Somalia ay ku howlan tahay diyaarinta mooshin ka dhan ah Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Mooshinka ayaa la sheegay in abaabulkiisa uu ka socdo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose, kaa oo ay wadaan Xildhibaano ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed oo laga mamnuucay inay garan magaalada Baydhabo.

Wasiirka dastuurka maamulka Koonfur Galbeed C/laahi Sheekh Xasan Cali oo ka hadlay arrinta mooshinka ayaa sheegay inay wado dowladda Somalia, waxa uuna cadeeyay in mooshinkaasi ay gadaal ka riixayaan mas’uuliyiin dhowr ah.

Wasiir C/laahi Sheekh Xasan oo u waramaayay Idaacada Dalsan, ayaa tilmaamay in dowladda Somalia laga doonaayo inay faraha kala baxdo howlaha maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia.

”Waxaan ka digeynaa in dowladda Somalia ay carqaladeyso howlaha maamulka, Xildhibaanada la kulmay mas’uuliyiinta ka tirsan Madaxtooyada waxaan uga digeynaa in loo adeegsado burburinta maamulkooda”

Sidoo kale, Wasiirka ayaa dowladda Somalia ugu baaqay inay carqalada ka joojiyaan maamulka Koonfur Galbeed iyo maamulada kale, waxa uuna ku taliyay inaan leyska horgeyn madaxda maamulada.

Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed Ugaas Xasan ayaa beeniyey inay is hortaagen xildhibaaano Baydhaba u safri lahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News