29.9 C
Mogadishu
Friday, November 14, 2025

Ducaale: Cidna ugama waaban doono ciqaabta saraakiisha aan daacada aheyn

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Somalia Maxamed Abuukar Islow ”Ducaalle”, ayaa Saraakiisha Hay’adaha amaanka dowlada Federaalka ah ee Somalia ku amray inay daacad u noqdaan difaaca Qaranka.

Wasiir Ducaale, ayaa sheegay inaan la aqbali doonin Sargaal uu hamigiisu yahay in dhaqaale un uu ku qaata xilkiisa.

Waxa uu Wasiirka wacad ku maray inaanu wada shaqeyn doonin cid allaale cidii ku magacaaban amniga oo ka mashquusha shaqadeeda, waxa uuna ballanqaaday in talaabo sharci ah laga qaadi doono kuwa aan daacada u aheyn sugida amniga Xarumaha, Saldhigyada iyo baraha koontarool oo ay ku qoran yihiin.

”Mar kale ayaan ku celinayaa inaan wada shaqeyn doonin kuwa ku magacaaban amniga ee aan daacada u aheyn Qaranka”

”Cid waliba oo ku magacaaban amniga waxaan uga digayaa inuu sabab u noqdo xil la’aan ku dhacda, kama waaban doono inaan ka dhabeyno amniga shacabkeena”

Sidoo kale, Wasiir Ducaale ayaa ku goodiyay inuu talaabo ka qaadi doono Sargaalkii ama Askarigii ku xadgudbaa qof shacab ah oo aan galabsan wax danbi.

Haddalka Wasiir Ducaale ayaa daba socda hadalo uu maalmo ka hor kasoo saaray amni darida ka jirta magaalada Muqdisho iyo habacsanaanta ku timid shaqooyinka Saraakiisha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News