Hargeysa (Caasimada Online) – Faysal Cali Waraabe oo Khudbad ka jeediyey magaalada Hargeysa ayaa ugu horayn uga hadlay xaalada Somaliland, Isagoo ku sifeeyay inay Noqotay mid Fadhiid ah, Wuxuuna Sidoo kale Xusay guulaha ay gaadhay Dawladda Soomaaliya gaar ahaan Xeerkii uu dhowaan Ansixiyey madaxwayne Farmaajo.
Dhinaca kale Faysal Cali Waraabe ayaa si Cad Beesha uu kasoo Jeedo ee CIIDAGALE uga Codsaday Inay Codka Siiyaan, Wuxuuna sidoo kale sheegay Inaan C.raxmaan Cirro loogu Codayn Garxajisnimo ( Habaryoonis iyo Ciida-gale ayaa Isku Noqda Garxajis).
Wuxuu ku Nuux Nuuxsaday inuu xilkaasi u Tartamayo maanta uu Codkooda u baahan yahay, Wuxuuna sheegay in Hadii aysan isaga u codaynin ay Marti ku noqon daan Hargeisa oo deegaan ahaan ay ku badan yihiin.

