Maamulka K/Galbeed oo mar kale ku celiyay mowqifkooda Khilaafka Khaliijka

Baydhabo (Caasimada Online)-Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa mar kale ku celshay inay khilaafsan yihiin go’aanka ay dowlada Somalia ka qaadatay khilaafka Xulafada Sacuudiga kala dhexeeya Qadar.

Maamulka ayaa sheegay inay aad uga soo horjeedan go’aankaasi isla markaana ay taageersan yihiin xulafada Sacuudiga.

Wasiirka Warfaafinta maamulka oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in Koonfur Galbeed ay ka go’an tahay in lasii xoojiyo xiriirka kala dhexeeya Xulafada Sacuudiga.

Waxa uu cadeeyay in mar kale ay ku celinayaan in ay taageersan yihiin xulufada Sacuudiga, isla markaana kasoo horjeedan Qadar.

Wasiirka Warfaafinta Ugaas Xasan Cabdi Maxamed, ayaa intaa raaciyay in ay abaal u hayaan Imaaraadka iyo Sacuudiga, maadaama ay mar walba caawiyaan, sida uu hadalka u dhigay.

Geesta kale, waxa uu Wasiirka shaaciyay in shirka Axada ka furmaya magaalada Kismaayo in ay ka qeyb geli doonaan wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com