29.9 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Dhageyso: Xildhibaan sheegay cidda madaxda maamullada siisay awoodda dheeriga

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xilhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ka hadlay xiisadda siyaasaeed ee dalka ka jirta iyo shirkii ku soo dhamaaday Kismaayo ee maamul goboleedyada ay ugu soo horjeedeen dowladda dhexe.

War-murtiyeed ay shirkaas ka soo saareen maamullada, ayay ugu baaqeen dawladda Soomaaliya inay kala tashato arrimaha masiiriga ah ee taabanaya shacabka ku nool gobollada.

War-murtiyeedkaas ayaa gobolladu waxay sidoo kale walaac ka muujiyeen qaybta ay ka helaan kaalmada caalamiga, waxay kalsoo sheegeen inay ka walaacsan yihiin sida dawladda federaalku u maamulayso arrimaha

War-murtiyeedkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in madaxda maamul goboleedyadu ay samaysteen golaha iskaashiga dawlad goboleedyada oo sanandka koowaad ay guddoomiye iyo ku xigeen u kala yihiin madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiqeli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare.

Xildhibaan Dalxa ayaa sheegay in xiisada siyaasaeed ee jirta ay sababtay in Madaxda Maamul goboleedyada ay la wareegaan Awoodii Dstuuriga aheyd ee dalka.

“Dowladdii hore ee Xasan Sheekh ayaa mamul Goboleedyada siisay awood ka badan tii ay lahaayeen, 7 bilood ayey howshii Baarlamaanka u afduubneed oo ay ku badasheen Madal Wadatashi taas ayaana sababtay in ay Maanta is moodaan in ay awood leeyihiin” ayuu yiri Xilhibaan Dalxa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News