27.7 C
Mogadishu
Thursday, April 23, 2026

Shacabka ku nool Marsabit oo arrin cajiib badan ku sameeyay madaxdooda

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Dadka deegaanka Karaare oo ka tirsan maamul goboleedka Marsabit ee dalka Kenya ayaa arrin cajiib ah sameeyay kadib markii ay hogaamiyaashooda aysan waxba ka qaban waxyaabaha ay doonayeen.

Masuuliyiinta ku matasha dowladda ayay sheegeen inay dadaal badan ku bixiyeen waxyaabo aysan dan iyo ugu jirin deegaanka Karare iyo dadka ku nool, balse ay ka leexdeen rabitaanka dadka deegaanka.

Dadka deegaanka ayaa xubnaha ku matala dowladda waxay ugu yeereen shir kaasi oo ku saabsanaa sidii deegaanka looga furi lahaa xafiis dowladeed oo dadweynaha u qabta adeegyada ay doonayaan.

Arinta cajiibka ah ee dhacday ayaa aheyd in madaxda shirka ka qeyb gashay loo geeyay caagado ay ku jiraan biyo wasaq ah, waxaana loo saaray miiska si ay u cabaan marka ay oomaan.

Si cajiib ah ayay dadka matalayaashooda ugu sheegeen inaysan u baahneyn xafiis balse ay doonayaan inay helaan biyo nadiif ah, maadaama dhibaatada deegaanka ay kamid tahay baahida loo qabo biyo nadiif ah.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in muddo badan ay masuuliyiintooda ka dalbanayeen inay wax ka qabtaan biyo la’aanta ka jirta deegaanka Karare, taasi badalkeedana ay ku casuumeen biyo wasaq ah.

Bishii Janaayo ku dhawaad 150 neef oo geel ah ayaa la sheegay in deegaankaasi ay ugu bakhtiyen kadib markii ay cabeen biyo wasaqoobay oo markii dambe sumoobay.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News