27.9 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

Kheyre oo kulamo xasaasi ah ka wada Dhuusomareeb

Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Raiisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo xalay ku hoyday Dhuusamareeb ayaa kulamo xasaasi ah ka wada gudaha magaaladaasi.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa la kulmay madaxda Ahlu Sunna Waljamaaca, gaar ahaan Macalin Maxmuud iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, iyagoo ka wada hadlay arrimaha shirka dib u heshiisiinta iyo doorashada guud ee maamulka Galmudug.

Sidoo kale waxaa saacadaha socda Ra’iisul wasaaruhu kulamo la leeyahay ergada ka qeyb galeysa shirweynaha dib u heshiisiinta ee beri ka furmaya halkaasi.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoo ay sugayaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee la geeyey magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey kulamadaasi.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News