Sawirro: Ujeedka safarka madaxweyne Muusue Biixi uu ugu ambabaxay Jabuuti

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Jabuuti.

Booqashadan oo aan la shaacin inta ay qaadan doonto ayaa waxa ay salka ku heysaa iskaashiga Somaliland iyo Jamhuuriyadda Jabuuti.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaasi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedka socdaalka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu la xariiro xoojinta xiriirka labada dhinac.

Xubnaha wafdigan qeybta ka ah ayaa waxaa ka mid ah wasiirada arrimaha dibadda, gaashaandhiga, xanaanada xoolaha iyo horumarinta kaluumeysiga ee Somaliland.

Ma’ahan booqashadii ugu horreysay ee Madaxweyne Biixi ku tegayo Jabuuti, isagoo horay ula kulmay Ismaaciil Cumar Geelle.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com