Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay qaar ka mid ah musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha ee doorashada soo socota ee 2020/21.
Kulanka oo ka dhacay guriga uu magaalada Muqdisho ka dagan yahay Qoor Qoor, islamarkaana ay qeyb ka aheyd casho sharaf uu madaxweynaha Galmudug u sameeyey musharraxiinta ayaa waxaa ka qeyb galaya ra’isul wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre, madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, hogggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow.
Intiisa badan waxaa kulankan diirada lagu soo saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan marxaladda kala guurka ah ee lagu jiro.
Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada-hadlay arrimo ku aadan doorashada, siiba muranka ka taagan dhismaha guddiyada doorashooyinka dalka.
Qoor Qoor oo madasha ka hadlay ayaa u ballan qaaday musharraxiinta labo qodob oo kala ah:1-inuu diyaar u yahay inuu qeyb ka noqdo dadaalada lagu xalinayo dooda ka taagan guddiyada doorashada ee heer iyo heer dowlad goboleed intaba.
2-Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug ayaa sidoo kale intaasi ku daray inuu waa-waan ka dhex bilaabi doono musharraxxiinta iyo madaxda dowladda dhexe.
Waa kulankii labaad ee ay yeesheen labada dhinac, waxaana dhammaan looga wada-hadlay sidii loo xalin lahaa tabashada ay muujinayaan musharraxiinta mucaaradka.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan ka socdo dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo xoog leh iyo shirar u dhexeeya hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee dalka.