Wasiiro ka socda dowladda oo gaaray GEDO + Ujeedka

Doolow (Caasimada Online) – Wafdi culus oo ka socda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta gaaray degmada Doolow oo ka tirsan gobolka Gedo.

Wafdigan oo ka kooban wasiiro iyo saraakiil ciidan ayaa waxaa si weyn loogu soo dhoweeyey degmada Doolow ee gobolkaasi.

Wasiirada Doolow tegay ayaa waxaa ka mid ah wasiirka cadaaladda, wasiirka gaanshaandhigga, wasiirka warfaafinta iyo saraakiil ka tirsan Xoogga dalka.

Sidoo kale wasiirada iyo saraakiisha la socda ayaa kulan la qaatay maamulka degmada Doolow iyo waxgaradka deegaanka, kaas oo ahaa mid is xog-wareysi ah.

Intaasi kadib wafdiga ay dirtay dowladda Soomaaliya ayaa u sii socdaalayey dhinaca degmada Beledxaawo oo uu dhowaan ka dhacay dagaal culus oo khasaare geystay.

Xubnahan ayaa marka ay tegaan degmada Beledxaawo qiimeyn dhab ku soo sameyn doono saameynta ka dhalatay dagaalkii cuslaa ee ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa wasiir Janan ku dhexmaray magaaladaasi iyo xaaladda guud sida ay haatan tahay.

Xaaladda Beledxaawo ayaa saacadihii ugu dambeeyey aheyd mid degan, waxaana magaalada oo dhan iyo duleedka ku sugan ciidamada dowladda Soomaaliya.