Mursal oo kulan deg deg ah isugu yeeray xildhibaanada

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa iclaamiyay fadhi gaar ah oo ay deg deg iskugu imaanayaan xildhibaanada Soomaaliya, kaas oo uu codsaday Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Farriin guddoonka Golaha Shacabku u diray dhammaan xildhibaanada ayaa looga codsaday inay ka soo qeyb galaan kulan “aan cadi ahey” oo madaxweyne Farmaajo kula hadlayo xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya.

“Xildhibaannada dalka dibaddiisa ku sugan iyo kuwa jira gobollada dalka waxaa la farayaa inay si degdeg ah u soo galaan caasimadda Muqdisho, si ay u soo xaadiraan fadhigan aan caadiga aheyn maalinta sabtida ee ay taariikhdu tahay 1-da bisha May 2021, maadaama ay jiraan xaalado adag oo u baahan in dalka laga samatabixiyo”, ayaa lagu yiri faafin rasmi aheyd oo ku socotay xildhibaannada Golaha Shacabka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadan inuu ka codsado Golaha Shacabka inay ka noqdaan go’aankii muddo kordhinta ahaa ee 12-kii April ee uu isna saxiixay, kaddib markii cadaadis iyo cambaareyn ay kala kulmeen gudaha iyo dibaddaba.

Farmaajo ayaa go’doon siyaasadeed galay shalay kadib markii muddo kororsiga ay diideen ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, iyo maamul goboleedyada HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Marka baarlamanka ka laabto muddo kororsiga ayaa la filayaa in dib loo furo wada-hadalladii dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada si loo gaaro heshiis siyaasadeed oo horseeda in dalka ay ka dhacdo doorasho wada-ogol ah.