Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa maanta lagu qabtay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo ay deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed.
Kuraasta doorashadooda la qabtay ayaa kala ah Hop#099, Hop#168, Hop#167, Hop#077, Hop#186 iyo Hop#261 ee Golaha Shacabka.
Doorashada kuraastan ayaa waxaa ku soo baxay xubnaha kala ah:-
1-Axmed Madoobe Nuunow oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop#099. 2-Luul Ibraahim Cumar oo ku guuleysatay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop#168. 3-Cabdisalaan Cali Cabdi oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop#167. 4-Maxamed Shekh Cabdulaahi Ciirow oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisu yahay Hop#077 . 5-Cabduqaadir Cumar Macalin oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop#186. 6-Saalax Shariif Siid Cali oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop#261.
Guusha xubnahan ayaa horey loo sii oogaa, maadaama si gaar ah loogu xiray kuraasta ay ku soo baxeen, iyaga oo aan gelin tartan adag.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadajinta doorashooyinka Golaha Shacabka oo lagu wado in lasoo gabagabeeyo, ka hor 15-ka bishaan March ee sanadka 2022-ka.
Koonfur Galbeed ayaa ka mid ah maamullada ku horreeya doorashada, waxaana u haray kuraas kooban oo deegaan doorashadoodu tahay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.