Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada JOWHAR iyo guusha COSOBLE oo…

Jowhar (Caasimada Online)  – Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa lagu wadaa in maanta lagu qabtao doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee kasoo galaya dhanka dowlad goboleedka Soomaaliyeed, HirShabelle.

Kuraasta doorashadooda la qabanayo oo saddex ah ayaa kala ah HOP#024, HOP#106, HOP#140, kuwaas oo marxalado kala duwan soo maray, kadib murano hareeyey.

Sidoo kale kuraastan ayaa ka mid noqonaya kuwii ugu dambeeyey ee doorashadooda lagu qabanayo caasimada HirShabelle ee Jowhar, maadaama ay gabagabo mareyso doorashada.

Kursiga HOP#024, waxaa ku fadhiyay Cabdiqaadir Caraboow Ibraahin, halka kursiga HOP#106, ay ku fadhisay Mina Xasan Maxamed, waxaana kursiga HOP#140, isna ku fadhiyay Cabdiqaadir Cosoble Cali oo ka mid ah Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online kursiga Cosoble oo isha lagu hayo ayey u badan tahay in markale isaga ku guuleysto, maadaama lasoo saaray odayaal isaga taageersan, halka isna uu loolan adag uu waji doono Cabdiqaadir Carabow Ibraahin oo ah nin dhalinyaro ah.

Jowhar ayaa waxaa laga dareemayaa qaban-qabaada doorashada kuraasta baarlamaanka ee ku harsan HirShabelle, iyada oo magaaladana ay ku sugan yihiin ciidamo dheeraa ah.

HirShabelle ayaa ka mid ah maamullada aad uga daahay dhammeystirka doorashada, walow kuraas kooban ay ku hartay Jowhar deegaanada doorashada 1-aad ee maamulkaasi.

Soomaaliya ayaa waxaa saameyn ku yeeshay dib u dhacyada doorashada oo qaadatay hal sano dheeraad, taas oo uga sii dartay xaalada adag ee kala guurka ah ee haatan lagu jiro.