Sawirro: SACIID DENI oo magacaabay guddi cusub

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullahi Deni oo maanta guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee golaha wasiirada maamulkaasi ayaa magacaabay guddi cusub oo heer wasiir ah.

Guddigaan ayaa ka shaqeyn doono arrimaha gurmadka abaaraha ku dhuftay deegaanada Puntland oo haatan laga soo warinayo xaalado daran oo dhanka nolosha ah.

“Kulanku intuu socday waxaa laga hadlay xaaladda Abaarta, waxaana Madaxweynuhu uu magacaabay Guddi ka kooban Wasaaradaha si loo dardargeliyo wax ka qabashada saameynta Abaarta iyo sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka ay saameysay,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Shirka todobaadlaha ah ee golaha wasiirada ee Puntland ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay arrimaha amniga, mashaariicda lagu horumarinayo Biyaha iyo Korontada.

Sidoo kale golaha ayaa wax ka bedel ku sameeyay darajada qaar ka mid ah degmooyinka Puntland, kuwaas oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Puntland.

“Waxaan degmooyinka kala ah Bareedo, Carmo, Boocame, Xiingalool iyo Xarfo oo awal ahaa heerka saddexaad (C) loo dalacsiiyey heerka labaad ee degmooyinka Puntland (B)” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay dowlad goboleedka Puntland.

Sikastaba, Puntland ayaa ka mid ah meelaha ay sida daran u saameysay abaaraha, waxaana guddiga la magacaabay horyaal shaqooyin ay ugu horreyso gurmadka abaaraha.