Maxaa amniga Muqdisho iska bedelay kadib amarkii la dul-dhigay Bajaajleyda?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa xalay howlgallo ka sameeyey degmada Waabari ee gobolka Banaadir, kaas oo ay horkacayeen saraakiisha Booliska ee qaybta taliska Waliyow Cadde.

Howlgallada oo guri guri lagu baarayey ayaa waxaa laga sameeyey xaafadaha degmada Waabari, ayada oo sidoo kale gaadiidka lagu hubinayey inta ay socotay baarista.

Dad u badan dhalinyaro ayaa lagu soo qab-qabtay howlgalladaan, kuwaas oo hal meel la’isugu geeyey, waxaana khudbado u jeediyey saraakiisha horkaceysay howlgallada.

Haddaba Maxaa iska beddelay amniga Muqdisho, kadib bandowgii lagu soo rogay Bajaajleyda?

Taliye ku xigeenka qaybta Waliyow Cadde, Isxaaq Maxamed Ciise oo la hadlay warbaahinta, kadib markii uu soo dhammaaday howlgalka laga sameeyey degmada Waabari ayaa sheegay in amniga magaalada Muqdisho uu wax badan iska beddelay, kadib markii Mootooyinka Bajaajka magaalada laga mamnuucay wixii ka dambeeya 12:00 habeenino.

“Magaalada cariiri ka jiray aawgeed iyo amni darrada soo korortay ayaa horta Bajaajyada lagu joojiyey wax badanaana wax iska beddelay aad ayaan usoo dhoweyneynaa Bajaajyada amarka iyo awaamiirka soo baxday fuliyey, kuwa aan fulin oo illaa iyo hadda socda tillaabo ayaan ka qaadeynaa,” ayuu yiri taliye ku xigeenka qaybta Waliyow Cadde Isxaaq Maxamed.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in sidoo kale ay tallaabo ka qaadi doonaan darawallada gaadiidleyda, gaar ahaan kuwa aan sharciga heysan ee ka shaqeeya magaalada Muqdisho.

“Gaadiid aan leesin heysan oo takaasi ah wixii takaasi ah waa la ogol yahay ama dhoweeye ha ahaadeen ama rakaab ha ahaadeen, laakiin waxaan rabaa inaan bulshada la wadaago cid aan sharci u heysan in dad qaado oo taksi ah in aysan raacin wax kasta ayaa ka dhalan kara oo amni darro ah, waana ka digeynaa,” ayuu markalehadalkiisa sii raaciyey.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada amniga ayaa howlgallo culus ka waday caasimada, waxaana u dambeeyey howlgalkii habeen hore laga fuliyey gudaha degmada Kaaraan.