Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta ku dhowaaqay go’aan culus oo si gaar ah u saameynaya mucaaradka, isla-markaana la xiriiro doorashooyinka qof iyo codka ah ee la filayo inay ka dhacaan gudaha dalka.
Guddoomiyaha Guddiga, Cabdikariin Axmed Xasan oo hadal ka jeediyay munaasabad shahaaddooyinka rasmiga ah ee ururnimo lagu guddoonsiiyey illaa 5 urur-siyaasadeed oo soo buuxiyay shuruudaha diiwaangelinta ayaa ku dhowaaqay in dalka uu aaday doorasho, isla-markaana isbuuca soo socda ay billaaban doonto diiwaangalinta cod-bixiyeyaasha.
Cabdikariin ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in 5 urur oo maanta is diiwaan-geliyay ay noqon doonaan saamileyda siyaasadda ee saxda ah, isla markaana uu loolanka u dhexeyn doono iyaga iyo xukuumadda, shacabkuna ay u dhexeyn doonaan, taas oo caqabad ku ah siyaasiyiinta mucaaradka ee banaanka jooga.
“Saamileyda siyaasada saxda ah waa shanta urur ee noo diiwaan gashan wixii kasoo hara waxba ma ahan isbuuca soo socdana waxaa bilaabaneysa diiwaan galinta dad weynaha waxaa xigi doona doorashada golaha deegaanka” ayuu yiri guddoomiyuhu.
Waxaa kale oo uu raciyay “Maanta siyaasadda Soomaaliya waxa ay ka dhexeysaa shantaan urur iyo xukuumadda dalka joogta iyo Ummadda Soomaaliyeed ayuu banuuniga u dhexeeya”.
Guddoomiyaha oo sii hadlayay ayaa farriin u diray ururada kale ee siyaasadda, isaga oo ugu baaqay inay is diiwaan-geliyaan oo shahaadada qaataan, si ay tartanka u galaan.
“Ururada kale waxaan leeyahay inay sidaas oo kale u shaqeystaan oo ay la yimaadaan waxqabadkoodii, si Ummadda Soomaaliyeed ay fursad ugu helaan inay ka qayb-galaan” ayuu mar kale yiri guddoomiye Cabdikariin Axmed Xasan.
Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in marka la diiwan-geliyo dadweynaha ay fursad u heli doonaan ka qayb-galka doorashada golaha deegaanka oo dhici doonto bisha June ee sanadkan, isaga oo xusay in lagu bilaabi doono gobolka Banaadir.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli ay doorashada isku hayaan madaxda dowladda, kuwa mucaaradka iyo qaar kamid ah dowlad goboleedyada oo iyagu weli diidan dhismaha guddiga doorashada iyo hanaanka ay wax ku wado dowladda dhexe.
Si kastaba, waxaana haatan loo ballansan yahay shirweyne guud oo uu ku baaqay Madaxweyne Xasan, kaas oo la filayo inay looga hadlo xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan muranka ka taagan doorashooyinka 2026 iyo dagaalka kooxda Al-Shabaab.