Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Laascaanood ayaa sheegaya in saaka ciidamo ka tirsan kuwa ilaalada gaarka ah ee Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ay ka dageen magaaladaas oo la filayo inuu gaaro Xamza Cabdi Barre.
Ciidamadan oo diyaarad ay ka qaaday magaalada Muqdisho ayaa toos uga dagay Laascaanood, si ay qayb uga noqdaan xaqiijinta ammaanka ra’iisul wasaaraha oo maalmaha soo socda booqasho rasmi ah ku tegi doono deegaannada SSC-Khaatumo.
Sidoo kale waxaa Laascaanood gaaray wafdi hordhac u ah ra’iisul wasaaraha u badan howlwadeenno ka tirsan xafiiskiisa, si ay isugu daba ridaan soo dhaweeyntiisa.
Safarka Xamza ee Laascaanood ayaa dhaliyay hadal-heyn xooggan, waxaana ujeedka uu yahay xoojinta xiriirka dowladda dhexe iyo maamulka SSC-Khaatumo, si loo sii amba qaado howlaha harsan ee la xiriira maamulkaasi oo weli KMG ah, isla markaana weli wajahayo xaalado dagaal.
Socdaalkan ayaa sidoo kale la filayaa inuu caddeeyo mowqifka dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aaddan taageerada maamulkaasi iyo horumarinta gobollada SSC.
Dhinaca kale, Somaliland ayaa ka caroortay go’aanka ra’iisul wasaaraha, waxayna ka digtay inuu tego Laascaanood oo ay horay ugu dagaalameen iyada iyo SSC-Khaatumo.
Somaliland ayaa sheegtay in Xamza uu ka qoomameyn doono safarkiisa Laascaanood, ayada oo ku goodieysay inay qaadi doonto tallaabo kasta oo ay uga hortageyso.
“Waxaan uga digayaa ninka Raiisul wasaaraha Soomaaliya ku magacaaban inuu ka qoomamayn doono hagardaamada iyo mashruuca dagaal ee uu mar labaad u soo wado shacabka gobolada Sool iyo Sanaag” ayuu horay u yiri Axmed Faarax Cismaan oo ah guddoomiyaha gobolka Sool ee Somaliland.
Si kastaba, socdaalkan ayaa sidoo kale la filayaa inuu caddeeyo mowqifka dowladda federaalka ee ku aaddan taageerada maamulkaasi iyo horumarinta gobollada SSC.
Magaalada Laascaanood ee uu haatan tegayo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre waxaa horay uga dhacay dagaallo culus oo u dhexeeyay maamullada Somaliland iyo SSC-Khaatumo, kuwaas oo ay dad badan ku geeriyoodeen, welina xiisadda labada maamul ayaa ka taagan gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya.