Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo haatan ku sugan gudaha magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa kulan xasaasi ah la yeeshay qaar kamid ah Isimada SSC-Khaatumo.
Kulanka oo ahaa qado sharaf ayaa waxaa labada dhinac ay isaga xog wareysteen xaaladihii ugu dambeeyay, iyada oo odayaasha SSC uu hoggaaminayay Garaad Jaamac Garaad Cali.
Wararka ayaa sheegaya in kulanka si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta wada shaqeynta ka dhexeysa maamulka curdunka ah ee SSC-Khaatumo ee Jubbaland, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah oo aad ugu dhow kulanka labada dhinac.
Waxaa kale oo la baahiyay sawir ay si wadajir ah u galeen Axmed Madoobe iyo Isimada uu la kulmay, iyada oo la raaciyay in ujeedka uu ahaa xoojinta midnimada Jubbaland iyo SSC-Khaatumo oo haatan loo aqoonsaday dowlad goboleed rasmi ah.
Kulankan ayaa kusoo aaday, saacado uun kadib markii uu Ra’iisul wasaare Xamza oo ay si weyn isku hayaan Axmed Madoobe uu kasoo laabtay Laascaanood oo uu kaga soo dhowaaqay aqoonsiga SSC-Khaatumo, mashaariicna uu kasoo dhagax dhigay magaaladaasi.
Sidoo kale, kulankan ayaa u muuqdo mid siyaasadeed oo uu isku muujinayo Axmed Madoobe, si uu usoo dhaweysto SSC oo sidoo kale ka qayb-galeyso shirka golaha wadatashiga qaranka ee uu iclaamiyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
“Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyada oo tixraacaysa go’aankii 6dii February 2023 ee isimada dhaqanka iyo waxgaradka SSC-Khaatumo, go’aankii ay DFS ugu aqoonsatay maamul kumeel gaar ah 19kii Oktoobar 2023, waxa ay u kuur gashay arrimaha dib u dhiska maamulka SSC-Khaatumo, iyo wadajiraka dadkeeda, ka dib markii ay xaqiijiyen ka go’naanshaha dadka reer SSC-Khaatumo ee dhismaha hay’adaha dowladdaimada.” ayaa lagu yiri bayaan horay uga soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.
Si kastaba, ma jiro faah-faahin rasmi ah oo kasoo baxday dhinaca hoggaanka SSC-Khaatumo oo ku aadan kulanka Isimadooda iyo Axmed Madoobe ee ka dhacay Nairobi.