Dhaka (Caasimada Online) – Booliska Bangladesh ayaa Khamiistii sheegay in gabar horey u soo noqotay boqoradda quruxda dalkaasi ay isku dayday inay shirqool jaceyl u dhigto safiirkii hore ee Sacuudiga, si ay uga dhacdo $5 milyan oo doollar.
Meghna Alam, oo 30 jir ah, ayaa markii hore la xiray iyadoo aan lagu soo oogin wax dambi ah, iyadoo la raacayo xeer muran badan dhaliyay oo waddankaas ka jira, kaasoo oggolaanaya in si aan xad lahayn loogu hayo eedeysaneyaasha xabsiga.
Afhayeenka booliiska, Maxamed Taalebur Raxmaan, ayaa u sheegay wakaaladda wararka AFP in hadda Alam lagu soo oogay dacwad la xiriirta baad iyo cabsi gelin.
Sarkaal sare oo booliis ah, oo codsaday in aan la magacaabin, ayaa isna u sheegay AFP in Meghna iyo dad kale ay maleegeen qorshe ay ku qasbayaan diblomaasiga inuu bixiyo lacagtaasi.
“Bangladesh waa dalka ugu shaqaalaha badan ee jooga Sacuudiga. Dowladda ma dooneyso inay khatar geliso xiriirka diblomaasiyadeed,” ayuu yiri sarkaalkaasi.
Boqortooyada Sacuudiga ayaa si joogto ah uga taageerta Bangladesh gargaar dhaqaale iyo mid bini’aadantinimo, waxaana in ka badan laba milyan oo shaqaale Bangladeshi ah ay yihiin kuwa ugu tirada badan ee ajaanibka ah ee ka shaqeeya dalkaasi.
Meghna Alam ayaa maxkamad hortimid Khamiistii iyadoo aan wakiil sharci ah wadan, waxayna diidday eedeymaha loo jeediyay, iyadoo codsatay in la buriyo xarigeeda.
Wargeyska The Daily Star ayaa qoray in Alam ay sheegtay in diblomaasigu isagu la soo xiriiray, isla markaana uu ka codsaday inay xiriir bilaabaan.
Aabbaheed, Badruul Alam, ayaa sidoo kale u sheegay AFP in “danjiraha iyo Meghna ay xiriir lahaayeen.”
“Gabadhayda wey diidday dalabkiisa guur sababtoo ah wuxuu horey u qabay xaas iyo carruur,” ayuu raaciyay.
Safaaradda Sacuudiga ee Dhaka ayaan ka jawaabin weydiimo loo diray Khamiistii.
Booliska ayaa sheegay in markii Alam la xiray 9-kii April, ay ku eedeeyeen in ay “khatar gelisay amniga qaranka” iyo “dhibaato ku keentay danaha dhaqaale ee dalka”.
Xarigeeda oo lagu saleynayo Xeerka Awoodaha Gaarka ah ayaa si weyn u dhaleeceeyay ururada u dooda xuquuqda aadanaha.
“Waxaan ugu baaqaynaa dowladda inay Meghna ku soo oogto dambi si caalami ah loo aqoonsan yahay ama xorriyadeeda si degdeg ah u siiso,” ayay qortay hay’adda Amnesty International Jimcihii, iyadoo adeegsaneysa baraha bulshada.