Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka waxaa weli ka soconayo diiwaangelinta cod-bixiyayaasha doorashada qof iyo codka ah, taas oo maalmihii lasoo dhaafay si dardar-leh uga socotay degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana haatan arrintu ay yeelatay waji cusub, kadib markii kasoo korortay arrin xasaasi ah oo dhalisay hadal-heyn xooggan.
Diiwaangelinta ayaa saaka la gaarsiiyay degmooyin horleh, sida Hodan, Howlwadaag, Warta Nabadda, Yaaqshiid, Heliwaa iyo Kaaraan oo ka wada yaalla Muqdisho.
Dadweynaha doonaya inay si diiwaangeliyaan ayaa safaf dhaadheer ugu jira goobaha ay ka socoto diiwaangelinta oo uu wado guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka dalka.
Sidoo kale, dadka is diiwaangelinaya ayaa waxaa kamid ah mas’uuliyiinta dowladda, sida wasiirada, hoggaanka maamulka gobolka Banaadir iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka, oo iyaguna qaadanaya shahaadada, si ay qayb uga noqdaan doorashada soo socota.
Dhinaca kale, arrin cusub oo xasaasi ah ayaa kasoo korortay qaabka ay ku socoto diiwaangelinta, kadib markili loo rogay qaab qabiil, taas oo dhalisay hadal heyn xoogan.
Degmooyinka Hodan iyo Kaaraan ayaa si gaar ah loo qabiileeyay arrintooda, waxaana saacadihii lasoo dhaafay baraha bulshada qabsaday dood xooggan oo ku aadan degmooyinkaas, waxaana dib loo soo celiyay doodii ku aadaneyd cidda leh Xamar.
Dr Cabdisalaan Ibraahim: “Doorashadii qofka iyo codka ahayd waxay kusoo dhammaatay qabiil aabiil halagu tijaabiyo”.
Muno Xasan Kadiye: “Waxaan nadaam ma aha sidaan in la isku ifiyo wax dhaqan ma aha wasirka warfafinta shaqeyso”.
Maxamed Cabdullahi Hilowle: “Abgaal waan ahay deggmada Hodan waan ku dhashay qabiil iyo doorasho maxaa is ka galay?”.
Hodan Ganeey: “Karaan mugdi waa u kaah, dadna waa keeyd”.
Si kastaba ha ahaateen, Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso xilli weli mucaaradka ay meel adag ka taagan yihiin hanaanka doorashada qof iyo cod taas oo uu ku adkeysanayo madaxweyne Xasan, iyada oo mucaaradka u arkaan mid laga leeyahay dano xukun dheereysi.