24.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

DENI oo shuruud adag ku xiray ka qayb-galka shirka uu Xasan Sheekh ku baaqay

Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni oo maanta ciidamo cusub tababar ugu soo xiray Boosaaso ayaa ka hadlay arrimo xasaasi oo ku aadan khilaafka kala dhexeeya Dowladda Federaalka, isaga oo shuruud ku xiray ka qayb-galka shirka dhowaan ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Deni ayaa sheegay in Puntland ay sii maqnaan doonto inta ay dowladda dhexe uga soo laabaneyso heshiisyadii ay horay uga baxday ee dhaliyay khilaafka labada dhinac.

Madaxweynaha Puntland ayaa cad u sheegay in uusan tegi doonin Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee kowda bisha soo socota ee May ka dhici doono Villa Soomaaliya, kaas oo uu guddoomin doono Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay Madaxweynaha inuu fuliyo ballan-qaadyadii hore, kadibna ay diyaar u yihiin in xal waara laga gaaro is faham-waaga taagan.

“Madasha Wadatashiga Qaran waxa aan uga maqanahay wixii lagu heshiiyey oo laga leexday ilaa lagu soo noqdona cidi ku noqonmayso. Xasan haka dhabeeyo ballan-qaadka gogosha hana ku soo noqdo wixii lagu heshiiyey.” ayuu yiri Madaxweyne Saciid Deni.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in gogoshii uu horay u dhigay Garoowe ay weli taallo, isla markaana ay diyaar u yihiin in la wada-hadalo, kadibna la heshiiyo.

Hadalkan ayaa kusoo aaday, iyada oo dhowaan Dowladda Federaalka ay sheegtay in Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni, uu ka qeybgali doono Shirweynaha Golaha Wadatashiga Qaranka (GWQ) oo lagu wado in lagu qabto magaalada Muqdisho bisha soo socota.

Shirka oo uu isugu yeeray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa in uu isu keeno madaxda federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada si ay uga wada hadlaan khilaafaadka siyaasadeed, kor loogu qaado midnimada qaranka, loogana wada shaqeeyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah ee ay ka midka yihiin Daacish iyo Al-Shabaab.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Deni ayaa ka maqnaa shirarka GWQ tan iyo bishii December 2022, kaddib markii uu sii xumaaday khilaafka u dhexeeya maamulka Puntland iyo dowladda federaalka. Xiriirka labada dhinac ayaa aad u xumaaday, iyadoo wada-shaqeyntii iyo isgaarsiintii si weyn hoos ugu dhacday sababo la xiriira muranka siyaasadeed.

- Advertisement -

Read more

Local News