Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xalay degmada Afgooye uu ka dhacay qarax lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ku sugnaa gudaha degmadaasi.
Qarax oo ahaa miino ayaa waxaa lasoo wariyay in lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, waxaana lasoo wariyay inuu ka dhashay khasaare kala duwan.
Sidoo kale, qaraxa kadib ayaa waxaa howlgallo sameeyay ciidamada ammaanka, kuwaas oo baaritaanno ugu dhaqaaqay xaafado ka tirsan magaalada Afgooye.
Goobjoogayaal ayaa sheegaya in ay maqleen dhawaqa qaraxa oo xooganaa, balse waxa ay tilmaameen in aysan caddeyn karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.
Xaaladda ayaa saaka deggan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan weerarkaasi qarax ah.
Afgooye ayaa waxaa haatan ka dhacaya falal liddi ku ah ammaanka, iyada oo habeen hore lagu dilay wiil dhalinyaro ahaa oo horay uga shaqeyn jiray isbitaalka Digfeer.
Dilkaas iyo qaraxa xalay dhacay ayaa waxaa lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab oo inta badan weeraro ka fuliya Afgooye.
Shabaab ayaa weli ku xooggan gobolka Shabeellaha Hoose, waxayna beegsadana fariisimaha ciidamada ee ku yaalla gobolkaas oo ay ku qaadaan weeraro toos ah.