26.3 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

DF oo wakiilada caalamka uga adkeysatay arrin ay diidan yihiin mucaaradka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, oo ka qeyb galay munaasabadda xuska Maalinta Yurub (Europe Day 2025), ayaa sheegay in hadafka xukuumadda uu yahay doorasho qof iyo cod ah.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa tilmaamay in maalintani ay astaan u tahay iskaashiga nabadda, midnimada iyo horumarka, isagoo xusay doorka muuqda ee Midowga Yurub ay ku leeyihiin taageerada Soomaaliya ee dhinacyada amniga, horumarka dhaqaalaha, gargaarka bani’aadannimada iyo dib-u-dhiska.

Waxa uu carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga labada dhinac, si loo gaaro horumar waara iyo nabad buuxda. “Tobannaankii sano ee la soo dhaafay Midowga Yurub wuxuu garab taagnaa Soomaaliya, hadal kaliya ma ahayn balse ficil,” ayuu yiri Xamza.

Waxa uu intaas ku sii daray: “Waxaad naga caawiseen in miinooyinka la soo saaro, jidadka la dhiso, la tababbaro ciidamo Booliis ah, la horumariyo iskuullada iyo in la caawiyo beeralaydeenna. Taasi waa saaxiibtinnimada dhabta ah.”

Mudane Xamza waxa uu sheegay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka samaysay hannaanka dowlad-dhiska iyo dimuqraadiyeynta dalka, isaga oo xusay shirkii ugu dambeeyay ee 11-aad ee Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC) oo ay ka soo baxeen go’aamo wax ku ool ah oo horumarinaya dalka.

“Waxaan seeska u dhigaynaa hannaan doorasho oo loo dhanyahay, oo ka madax bannaan faragelin iyo cabsi. Wax fudud ma ahan balse waxa aan ognahay in dimuqraadiyaddu ay mudan tahay,” ayuu yiri Xamza.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay in hadafka dowladdu yahay sidii loo qaban lahaa doorasho qof iyo cod ah, taasi oo ka dhici doonta dhammaan gobollada dalka.

Waxa uu intaas raaciyay in aanay jiri doonin doorasho dadban, oo dadka Soomaaliyeed ay go’aan ka gaari doonaan cidda hoggaamin doonta.

Si kastaba ha ahaatee, arrimahan ayaa imanaya xilli ay madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka ay si adag uga horyimaadeen hannaanka doorashada qof iyo cod, iyadoo beesha caalamka ay cadaadis ku saarayso madaxda sare ee dalka in la gaaro doorasho wadar-oggol, taas oo weli ay ka gows adeygayso.

- Advertisement -

Read more

Local News