Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ku adkaysaneysa in dalalka Afrika iyo Yurub ay si dhab ah uga qeyb qaataan maalgelinta Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), halkii culayskaas si gaar ah loo saari lahaa Mareykanka.
Taliyaha Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), General Michael Langley, oo ka jawaabayay su’aal laga weydiiyay arrintaas intii uu socday Shirka Taliyeyaasha Ciidamada Afrika 2025 oo uu si wadajir ah ula shir guddoomiyay dowladda Kenya, ayaa sheegay in dalalka Afrika ay tahay inay qaataan mas’uuliyadda amniga gobolladooda, isagoo xusay muhiimadda “la wadaagista culayska.”
“Maaddaama khayraadka caalamka dib loo miisaamayo, waxaa lagama maarmaan ah in dhammaan saaxiibada caalamka — oo ay Afrika ku jirto — ay si dhab ah u qaataan masuuliyadda amniga gobolka iyo kan qaaradda,” ayuu yiri Langley.
“Waan ogahay in Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ay dadaal ugu jiraan xallinta caqabadaha jira, balse aniga oo ka hadlaya dhinaca amniga iyo hawlgalka, waxaan jeclaan lahayn in la xaqiijiyo xasilooni waarta oo Soomaaliya ka dhalata. Mareykanku wuxuu taageeraa dhismaha awoodda amni ee Soomaaliya, aniguna halkaas ayaan ka shaqeeyaa.”
“Waxaan ku dadaaleynaa in la hirgeliyo mas’uuliyad la wadaago oo ay qeyb ka yihiin dhammaan saaxiibada si Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay u gaaraan himilooyinkooda amni,” ayuu raaciyay hadalkiisa.
Diidmada Congress-ka Mareykanka
Senator Jim Risch (R-Idaho), guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Senate-ka Mareykanka, ayaa isna ka hadlay arrinta maalgelinta AUSSOM, isagoo sheegay in Mareykanku uusan diidin taageerada howlgalka AU, balse uu doonayo in saaxiibadiisu ay qeyb libaax ka qaataan.
“…Kaliya waxaan ku adkeyneynaa in Yurub iyo Afrika ay ka soo dhalaalaan waajibaadkooda. Qaababka maalgelinta sida Qaraarka UNSCR 2719 (2023) ee Golaha Ammaanka waxay dadka kale ka siinayaan fursad ay kaga baxsadaan kharashaadka, iyagoo culayska dusha ka saaray shacabka Mareykanka, QM ay ka weecato eedeymaha fashilkeeda,” ayuu yiri Talaadadii.
Risch wuxuu intaas ku daray in Mareykanku uusan ka harayn taageerada uu siiyo Danab — cutub khaas ah oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo uu Mareykanku tababaray.
“Taageeradii Danab waxay bilaabatay in ay jaranto 2024, kaddib markii hoggaamiyeyaashoodu lunsadeen raashiinkii ciidanka, dowladda Soomaaliyana aysan wax tallaabo ah qaadin. Ma ahan in canshuur bixiyeyaasha Mareykanku ay sii maalgelinayaan musuq-maasuqa. Danab ayaa mas’uul ka ah fashilkaas,” ayuu yiri.
Hoggaamiyeyaasha Afrika ayaa muddo dheer cadaadinayay in la helo maalgelin rasmi ah oo loo maro qoondada Qaramada Midoobay si loo taageero AUSSOM. Qaraarka Golaha Ammaanka ee 2719 (2023) ayaa oggolaanaya in UN-ku si kiiska-kiis ah u maalgeliyo howlgalka AU ilaa 75% oo ah qarashaadka, iyadoo loo marayo qoondada dhaqaalaha ee UN-ka.
Madaxweynayaasha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Kenya, William Ruto, ayaa bishii Oktoobar ee la soo dhaafay dalbaday in la kordhiyo taageerada amniga, kahor wareejinta mas’uuliyadda AUSSOM ee billaabatay Janaayo. Waxay ku nuuxnuuxsadeen muhiimadda ay leedahay in AUSSOM si buuxda loo maalgeliyo, iyagoo ku baaqay in la sahmiyo dhammaan ilaha suurtagalka ah ee maalgelinta.
Bishii Abriil, shir degdeg ah oo ay yeesheen madaxda dalalka ciidamada keena, oo ka dhacay Entebbe, Uganda, ayaa lagu muujiyay walaac weyn oo ku saabsan yaraanta maalgelinta AUSSOM, waxaana lagu boorriyey hirgelinta qaraarka UNSC 2719.
Taageerada la marsiinayo qoondada Qaramada Midoobay waxay daboolaysaa dhammaan kharashaadka howlgalka AU — oo ay ku jiraan kharashaadka iyo magdhawga ciidamada iyo booliiska — iyadoo la raacayo heshiisyada u dhexeeya dalalka tabaruca, AU, iyo UN.
Si kastaba ha ahaatee, Mareykanku wuxuu hor istaagayaa maalgelintaas. Gen. Langley ayaa sheegay in shirkii ACHOD uu fursad u noqday “in si daacad ah looga hadlo arrinta culays la wadaaga.”
In kasta oo uu xusay in AU iyo UN ay isku dayayaan xallinta caqabadaha, haddana wuxuu qiray in “dhibaatooyinka dhaqaale ee ka jira AUSSOM ay si gaar ah u muujinayaan caqabadaha ay Soomaaliya ka hortimid.”
“Anigu faah-faahintaas toos uma gelayo, balse waxaan rabaa in la ogaado in haddii la xalliyo arrimahaas, ay fure u noqon karto sii socoshada howlgallada ay wadaan Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ee ka dhanka ah al-Shabaab. Waan ogahay in Mareykanku uu weli la shaqeynayo daneeyeyaasha gudaha, saaxiibada, iyo dalalka dariska ah si loo xoojiyo iskaashiga lagula tacaalayo cadowgan halista ah,” ayuu yiri.
Qaraarka xanibaadda maal-gelinta
Bishii May 2-deedii, Senator Jim Risch, Ted Cruz (R-Texas), iyo Rick Scott (R-Florida), ayaa soo bandhigay hindise sharciyeed la yiraahdo Xeerka Xannibaadda Maalgelinta AUSSOM 2025, ujeeddadiisuna tahay “in lagu ilaaliyo lacagta canshuur bixiyeyaasha Mareykanka la lana xisaabtamo AU iyo UN.”
Senator Risch ayaa sheegay in ay jiraan isku dayo ay waddamada Yurub ku doonayaan in ay kaga baxsadaan waajibaadkooda dhaqaale ee AUSSOM iyagoo adeegsanaya nidaam cusub oo caddaalad darro ah, culayskuna si gaar ah ugu dhacayo Mareykanka.
“Arrintaasi lama ogolaan karo. Hindisahan sharciyeed wuxuu xannibayaa ka qaybqaadashada Mareykanka ee maalgelinta AUSSOM, ilaa ay AU iyo UN muujiyaan in ay si mas’uuliyad leh u maareynayaan lacagaha jira, kana hortagaan in Mareykanku si joogto ah u maalgeliyo nidaam musuq ah oo aan hufneyn,” ayuu yiri Risch.
Senator Cruz wuxuu sheegay in xeerka uu difaacayo lacagta shacabka Mareykanka, isla markaana uu ka hortagayo in laga faa’iideysto si aan u adeegayn danaha amniga qaran ee Mareykanka.
Senator Scott isaguna wuxuu ku raacay, isagoo sheegay in Mareykanku uusan ogolaan doonin in lacago canshuur laga lunsado, halka ay saaxiibadiisu ka baaqsadaan bixinta qaybtooda — “gaar ahaan marka howlgalka aan laheyn hufnaan ama daahfurnaan.”
Senatorrada waxay intaas ku dareen in AU aysan weli buuxin shuruudihii ay Mareykanku codsadeen, taasoo muujineysa in aan la tixgalin lacagta canshuur bixiyeyaasha Mareykanka.
Doodda is-eedeynta ah waxay imaaneysaa xilli al-Shabaab ay sii wadaan weerarro joogto ah oo ka dhacaya qaybo badan oo ka mid ah Soomaaliya, iyadoo ciidamadii shisheeye ay dalka ka baxayaan.