Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiinta mucaaradka oo maanta saluug ka muujiyay shirka uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo ay ku mideysan siyaasiyiinta mucaaadka ayaa gogosha Madaxweynaha shuruud uga dhigeen ka qeyb-galkiisa in uu noqdo mid xal looga gaaro khilaafka ka taagan dalka.
Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa shaki wayn ka muujiyay shirka uu qabanayo Xasan Sheekh, waxayna sheegeen inuu taageero ugu raadinayo qorshihiisa, ee uusan aheyn mid lagu raadinayo xalka xaaladda taagan, sida lagu yiri bayaanka mucaaradka.
Intaas kadib waxaa bayaanka ka fal-celiyay Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Dekadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo qoraal ay soo dhigeen bartooda Facebook ku weeraray mucaaradka, oo ay ku tilmaameen “kuwa xambaarsan ajende shisheeye.”
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa mucaaradka ku eedeeyay kuwa fulinaya ajende shisheeye, isagoo yiri “Mar waxay leeyihiin madaxweynihii albaabada ayuu naga xirtay oo cidna la hadli maayo, markii gogol wadahadal loo fidiyayna waa diidan yihiin.”
Waxa uu intaas kusii daray: “Dalka dibadiisa ayay ku wada ciideen, oo Midkoodna dalka kuma ciidin halkaas ayayna warsaxaafadeed ka soo saarayaan!. Xafiisyada ajnabiga waa isku ciriirinayaan, waana ku hor cabaadayaan marka madaxdii dalku ay casuuntana waa ka madax adaygayaan.”
Sidoo kale wuxuu mucaaradka ku tilmaamay kuwa u baahaj samatabixin, halkii ayaga ay wax samatabixin lahaayeen, “Haddana dalka ayaan samatabixinaynaa ayay leeyihiin!! Waa niman ayaga in la samatabixiyo u baahan!.”
Dhankiisa, Wasiirka Dekadaha Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa isna weerar ku qaaday mucaaradka, oo uu sheegay in aan la aqoon waxa ay doonayaan iyo waxa ay diidayaan toona.
“Horeyna aadi meyno, halkaana joogi meyno ahaa warka mucaaradka, horey waxaan u sheegey ajanduhu ajende Soomaali inuusan ahayn,” ayuu Wasiir Jaamac ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.
Waxa uu intaas kusii daray: “Dalka horumarkiisa Maxadweyne ayaa u dooran. Qof iyo Cod ayaa awood leh.”
Si kastaba, Labadan Wasiir ayaa badanaa baraha bulshada ka difaaca qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh ee hanaanka doorasho ee lagu muransan yahay, iyagoo mucaaradkana ku qaada weeraro, una jeediya eedeymo aysan la socon caddeymo.