26.6 C
Mogadishu
Monday, June 9, 2025

Isbahaysi ka dhan ah Deni oo looga dhawaaqay Garoowe

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Siyaasiyiin kasoo horjeeda Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magaalada Garowe si rasmi ah uga dhawaaqay dhismaha Golaha Caddaaladda iyo Dimuqraadiyadda Puntland.

Golahan cusub ayaa waxaa guddoomiye loogu doortay Guuleed Saalax Barre, oo ah siyaasi si weyn u dhaliilsan hab-maamulka xilligan ka jira Puntland.

Golahan ayaa ujeeddadiisu tahay inuu wax ka qabto xaaladaha adag ee Puntland ka taagan, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada. Xubnaha golaha ayaa ku baaqay in la abuuro hannaan dimuqraadiyadeed oo dhab ah, si looga fogaado is-mariwaaga siyaasadeed ee laga cabsi qabo inuu saameyn taban ku yeesho maamulka.

Guddoomiyaha cusub ee Golaha, Guuleed Saalax Barre, ayaa muujiyay in ay diyaar u yihiin inay si toos ah uga hadlaan wax kasta oo ka khaldan nidaamka dowladnimo ee Puntland, isla markaana ay yihiin kuwo u taagan sixidda iyo hagaajinta khaladaadka jira. Wuxuu si adag u dhaliilay maamulka Deni, isagoo ku eedeeyay inuu ka gaabiyay diyaar u ahaanshaha isbeddel iyo isla xisaabtan dhab ah.

Guuleed Saalax wuxuu sheegay in cabburin iyo cadaadis lagu hayo muwaadiniinta iyo siyaasiyiinta aan taageersanayn maamulka, taasoo uu ku tilmaamay nasiib darro iyo tallaabo ka hor imaanaysa xorriyadda hadalka iyo siyaasadda. Wuxuu sidoo kale ka digay in caga juglayn joogto ah lagu hayo dadka aragtida ka duwan madaxda sare ee Puntland.

Goluhu wuxuu si cad u taageeray midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, isagoo ku baaqay in wixii wax ka beddel ah oo lagu sameynayo dastuurka Puntland lagu saleeyo wadatashi qaran oo ay ka qayb galaan dhammaan dhinacyada kala duwan ee bulshada iyo siyaasadda.

Ku dhawaaqidda Golaha Caddaaladda iyo Dimuqraadiyadda Puntland ayaa imanaysa xilli ay jiraan xisbiyo mucaarad ah oo ka jira Puntland, balse lagu eedeeyo in ay ku milmeen maamulka Deni. Qaar kamid ah madaxda xisbiyadaas ayaa haatan xilal ka haya dowladda, taasoo shaki galisay dhab ahaanshaha mucaaradnimadooda.

- Advertisement -

Read more

Local News